Xildhibaano katirsan golaha wakiilada Puntland ayaa si adag uga hadlay xaaladda abaareed ee deegaamada Puntland iyo…

Xildhibaano katirsan golaha wakiilada Puntland ayaa si adag uga hadlay xaaladda abaareed ee deegaamada Puntland iyo sida ay gurmad deg deg ah ugu baahan yihiin reer guuraaga iyo xoolaha ku sugan gobolada kala duwan.
Xildhibaan Muna Axmed (Dinaayo) oo golaha uga warbixisay safaro ay ku tagtay deegaamada qaar ayaa ka dalbatay golaha inay mushaharkooda min kun dollar uga jaraan dadka abaaruhu saamaynta xooggan ku yeesheen.
“Dalka waxaa kajirta abaar aad u daran maantoo kalena waxaa la badbaadiyaa dadka iyo duunyada ee waddo lama badbaadiyo, waa inaan iska bilownaa horta aan min kun dollar aan halkaas dhignaa 66,000 ayey noqnaysaa waa haddaan run sheegayno”, Xildhibaan Muna Diyaano.



