Barlamaanka Puntland oo looga jawaabey xildhibaano katirsan aqalka sare.

9 November, 2025

Guddoonka iyo xubno katirsan xubnaha golaha wakiilada Puntland ayaa si adag uga hadlay wararka la xiriira…

Guddoonka iyo xubno katirsan xubnaha golaha wakiilada Puntland ayaa si adag uga hadlay wararka la xiriira faragelinta dowladda Imaaraadka Carabta ee Garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso.

Guddoomiyaha barlamaanka Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid iyo xubno katirsan golaha ayaa si adag u cambaareeyey hadalo seantoro reer Puntland ah ka sheegeen fadhiga aqalka sare ee barlamaanka Somalia.

Guddoonka iyo xubnaha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xildhibaano reer Puntland ah ay qayb ka noqdaan warar been abuur ah oo laga faafinayo garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso, iyagoo bogaadiyey xubnaha kale ee codkooda ku difaacay Puntland.

Xildhibaanad Abwaanad Muna Diyaano oo siweyn dhaliishay xildhibaanadii ka hadlay aqalka sare ayaa ku goodisay in Puntland dagaal lageli doonto DFS iyo cidkasta oo u adeegaysa daneheeda gaar ka ah.