Barlamaanka Puntland oo meel mariyey qabyo qoraalka miisaaniyad sanadeedka 2026.

4 December, 2025

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabidirisaaq Axmed Siciid ayaa maanta shir-guddoomiyay 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟐𝟎-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝…

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabidirisaaq Axmed Siciid ayaa maanta shir-guddoomiyay 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟐𝟎-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 ee golaha wakiilada dowladda Puntland.

Golaha ayaa ajandohoodu ahaa ka shaqaynta qabyo qoraalka miisaaniyad sanadeedka 2026, oo ay dhawaan horkeeneen Mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda dowladda Puntland.

Xildhibaanada golaha wakiilada ayaa ugu horrayn dood ka yeeshay qabyo qoraalka Miisaaniyada Sanad maaiyeedka 2026 oo ay maalmihii dambe ka soo shaqaynayeen guddiga barlamaanka ku qaabilsan arrimaha dahqaalaha.

Ugu dambayntiina xubnaha golaha wakiilada dowladda Puntland ayaa cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Qabyo qoraalka Miisaaniyad sanadeedka 2026 Waxaa Oggol ugu codeeyay 43 Mudane, waxa diiday 1 Mudane, halka ay ka aamuseen 1 Mudane.