Barlamaanka Puntland oo senator cusub u doortay kursigii AUN Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab).

21 June, 2025

Xildhibaanada golaha wakiilada Puntland oo kujira kal-fadhigooda 56aad ayaa maanta xasaanad siiyey xubin buuxin doonta kursigii…

Xildhibaanada golaha wakiilada Puntland oo kujira kal-fadhigooda 56aad ayaa maanta xasaanad siiyey xubin buuxin doonta kursigii aqalka sare ee uu ka geeriyoodey AUN Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab).

Baarlamaanka Puntland ayaa codka kalsoonida si buuxda u siiyey Cabdi Cabdulaahi Xaashi Goley si uu u buuxiyo kursigaan oo deegaan doorashadiisu tahay gobolka Mudug ee Puntland.