Barlamaanka Puntland oo sheegay in DFS mas’uul qalalaasaha dalka.

15 January, 2026

Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa caddeeyey in Dowladda Federaalka ee loo idmaday ilaalinta midnimada ummadda, ay…

Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa caddeeyey in Dowladda Federaalka ee loo idmaday ilaalinta midnimada ummadda, ay gabtay kaalinteedii ku aaddanayd adkaynta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Qoraal ka soo baxay guddiga joogtada ah ee barlamaanka Puntland ayaa lagu sheegay in waxyaabaha dhacaya dalka ay DFS mas’uul ka tahay, kaddib markii ay ku mashquushay kala qaybinta, isku dirka, cunaqabataynta iyo cadaadinta lagu hayo dadka Soomaaliyeed.

“Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada, isagoo ka duulaya danaha uu u dhaartay ee dadka reer Puntland, isla markaana tix-gelinaya xiriirka ganacsi ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya shacabka Puntland iyo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, iyo taageerada mugga leh ee ay Imaaraadku siiyeen Puntland gaar ahaan dhinacyada Amniga, horumarka, iyo la dagaallanka Daacish iyo Al-Shabaab”, wuxuu “, Ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Guddiga ayaa intaasi raaciyey,”Guddigu si buuxda u taageerayaa war-saxaafadeedkii Xukuumadda Puntland ee soo baxay 12/01/2026. Sidoo kale, Guddigu wuxuu uga mahadcelinayaa Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada joogtada ah ee ay siiso dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland.”