Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta su’aalo ka weydiiyey Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare waxqabadkeeda, qorshayaasheeda…

Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta su’aalo ka weydiiyey Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare waxqabadkeeda, qorshayaasheeda mustaqbalka iyo caqabadaha hortaagan fulinta waajibaadkeeda shaqo.
Kulanka oo ahaa Fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 59-aad ee Golaha Wakiillada, waxaa shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha, Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeennada Maxamed Baarri Shire iyo Maxamed Maxamuud Ciise.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa kulanka ka jeedisay warbixin ku saabsan hawlaha ay qabatay, qorshayaasha horumarineed ee ay damacsan tahay iyo caqabadaha jira. Xildhibaannada Golaha ayaa intaas kaddib Wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee Wasaaradda su’aalo ka weydiiyey waxqabadka, adeegyada waxbarashada iyo gudashada waajibaadka Wasaaradda.
La-xisaabtanka hay’adaha Xukuumadda ayaa ka mid ah waajibaadka dastuuriga ah ee Golaha Wakiillada, kaas oo ujeeddadiisu tahay dabagalka shaqada hay’adaha dowladda iyo hubinta sida ay u gudanayaan masuuliyadaha loo igmaday.




