Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon…

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟏𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada.
Ajandaha Fadhigan ayaa ahaa Xasaannadsiinta
masuuliyiinta u baahan xasaannadda Golaha Wakiillada.
Mudanayaasha Golaha Wakiillada Dowlada Puntland ayaa Cod aqlabiyad leh Xasaanada ku siiyey Mudane 𝐈𝐬𝐦𝐚𝐚𝐜𝐢𝐢𝐥 𝐖𝐚𝐫𝐬𝐚𝐦𝐞 𝐀𝐚𝐝𝐞𝐧 oo ka mid noqonaya Guddiga Doorashada Puntland (PEC) kaas oo uu dhowaan magacaabay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlada Puntland,Waxaana dhaariyey Garsoore ka tirsan Maxmadda Sare ee DPL.



