Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa maanta xasaanad siiyey xubnaha cusub ee Golaha Wasiirrada Puntland ee uu…

Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa maanta xasaanad siiyey xubnaha cusub ee Golaha Wasiirrada Puntland ee uu dhowaan magacaabay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, kuwaas oo si ku-meel-gaar ah u sii waday shaqooyinka wasaaradaha loo magacaabay.
Fadhiga Golaha oo ay ka qeybgaleen 58 xildhibaan ayaa lagu ansixiyey xasaanadda wasiirrada cusub, iyadoo 52 mudane ay u codeeyeen oggolaanshaha, halka 4 xildhibaan ay diideen, 2 kalena ay ka aamuseen.
Ansixinta xasaanaddan ayaa u gogol xaaraysa in xubnaha cusub ee Golaha Wasiirradu si rasmi ah u gutaan waajibaadkooda shaqo, inkastoo ay jiraan beelo saluugmo ka muujiyey hanaanka waxqaybsiga.




