Xubnaha golaha wakiilada dowladda Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay aqbalaadda luminta xubinimada golaha…
Xubnaha golaha wakiilada dowladda Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay aqbalaadda luminta xubinimada golaha ee mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Fadhigii saaka ee Baarlamaanka oo ay soo xaadireen 43 mudane ayuu golaha wakiilada Puntland ku meel-mariyay luminta xubinimada golaha ee Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaanka) oo dhawaan xilkaasi iska casilay sida uu ka shaaciyay Shirkii dhammaystirka maamul dhiska SSC-khaatumo ee Laascaanood.
Guddoonka ayaa xaqiijiyey in 38 xubnood ay codka siiyeen luminta xubinimada Baarlamaanka ee Cabdirashiid Abwaanka, hal xildhibaan ayaa diiday, halka ay ka aamuseen 4 xubnood sida uu shaaciyay guddoonka Baarlamaanka Puntland oo warkan ku dhawaaqay.



