Barlamaanka Puntland & siyaasiyiinta mucaaradka oo ka shiray waxka-beddelka dastuurka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa furay shir wadatashi ah oo Guddiga Gaarka…

3 November, 2026

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa furay shir wadatashi ah oo Guddiga Gaarka ah ee Golaha u qaabilsan falanqaynta iyo qiimaynta hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka Puntland uu la yeeshay siyaasiyiin hore xilal kala duwan uga soo qabtay Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka Dowladda Puntland, iyadoo siyaasiyiintii ka qaybgalay ay soo bandhigeen aragtiyahooda, talooyinkooda iyo fikradahooda ku saabsan qodobada la doonayo in wax laga beddelo.

Ka qaybgalayaasha ayaa fursad u helay inay guddiga la wadaagaan aragtiyo la xiriira hindisaha, muhiimadda wax-ka-beddelka dastuurka iyo arrimaha u baahan in si qoto dheer loo falanqeeyo ka hor inta aan la gaarin go’aanno ku saabsan dib-u-eegistiisa.

Waxaa shirka ka qaybgalay xubnaha Guddiga Gaarka ah ee loo xilsaaray falanqaynta hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka, iyo siyaasiyiin hore xilal kala duwan uga soo qabtay hay’adaha Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.