Barlamaanka Somalia oo la horgeeyey mooshin ku aaddan dagaalka Daacish.

10 March, 2025

Xildhibaano katirsan barlamaanka jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya oo deegaan doorashadoodu tahay Puntland ayaa guddoonka golaha…

Xildhibaano katirsan barlamaanka jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya oo deegaan doorashadoodu tahay Puntland ayaa guddoonka golaha shacabka Soomaaliya u gudbiyey mooshin ku aaddan dagaalka ka socda buuraleeyda Cal-miskaad.

Xubnahaan ka soo jeeda Puntland ayaa soo jeediyey mooshin ay ku dalbanayaan inay soo jeediyaan warbixin ay ka soo diyaariyeen dagaalka ay reer Puntland kula jiraan malayshiyaadka Daacish ee ku dhuumaalaysanaya Cal-miskaad.

Xildhibaan Cali Mahdi Maxamed Qalato, oo soo jeediyey mooshinkaan ayaa tilmaamay in reer Puntland ay kujiraan dagaal jaangoynaya mustaqbalka iyo xasiloonida guud ahaan Soomaaliya, loona baahan yahay in gacan buuxda laga siiyo soo afjaridda kooxaha khawaarijta.