Barlamaanka Somalia oo meel-mariyey waxka-beddelka dastuurka.

4 March, 2026

Xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Somalia ayaa maanta ansixiyey waxka-beddel lagu sameeyey cutubyo katirsan dastuurka kumeel…

Xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Somalia ayaa maanta ansixiyey waxka-beddel lagu sameeyey cutubyo katirsan dastuurka kumeel gaarka ah ee Somalia, oo horay u abuuray muran siyaasadeed.

Kulanka wadajirka ah oo ay ka maqnaayeen inta badan xildhibaanadii Puntland, Jubbaland, Mucaaradka iyo xubno laga mamnoocay fadhiyada barlamaanka ayaa waxaa cod gacan taag ah, wakiiladu ku ansixiyeen waxka-beddelka lagu sameeyey qodobada.

223 xubnood oo kala ah 186 Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 37 Senator oo Aqalka Sare ah ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Dastuurka Dalka, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka shir guddoomiyey.