Muddo xasaanadeedkii barlamaanka 11aad ee Somalia ayaa maanta ku’eg xilli muddo bil ah ay u dhimman…

Muddo xasaanadeedkii barlamaanka 11aad ee Somalia ayaa maanta ku’eg xilli muddo bil ah ay u dhimman tahay xafiiska Madaxweynaha iyo xukuumadda Federalka ah ee Somalia.
14-kii April 2022 ayaa la dhaariyey xubnaha labada gole ee Baarlamaanka, taas oo ka dhigan in maanta oo ay taariikhdu tahay 14-ka April 2026 ay si sharci ah u dhammaatay muddadii Guddoonada iyo xildhibaanada labada aqal.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa horey u sheegay in Baarlamaanka uu sii shaqeyn doono iyadoo lagu saleynayo dastuurka cusub, kadib waxka-beddelka midkii hore.
Dhankiisa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaguna ay u harsan tahay muddo ku dhow hal bil, inkasta oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhowaan meelmarisay dastuur cusub oo muran badan dhaliyay, kaas oo dhigaya in muddo-xileedka hay’adaha dowladda laga dhigo shan sano.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo mideeya Puntland, Jubbaland iyo Mucaaradka ayaa doonaya inay beesha caalamka u gudbiyaan halista firaaq dastuuri ah si cadaadiska loogu kordhiyo Villa Somalia.




