Xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Somalia oo maalmihii la soo dhaafay lahaa kulamo buuq hareeyey ayaa…

Xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Somalia oo maalmihii la soo dhaafay lahaa kulamo buuq hareeyey ayaa sii wada ka doodista waxka-beddelka cutubyo katirsan dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka.
Maalinimadii shalay xildhibaanadu waxay soo afmeereen dood ay ka lahaayeen cutubka 4aad ee dastuurka oo qaybo kamid ah dibu-noqosho lagu sameeyey, waxaana ay maanta guda galeen cutubka 5aad.
In ka badan 50 xildhibaan oo ka soo horjeeda waxka beddelka dastuurka ayaa laga mamnoocay inay soo galaan guud ahaan golaha, iyadoo ay xilligaan doodda isugu soo hareen xildhibaanada muxaafidka iyo kuwa aan labada dhinac midna la socon.
Arrintaan ayaa ku soo aadaysa xilli ay maanta Muqdisho ku wajahan yihiin madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland oo ka soo horjeeda waxka-bddelka dastuurka kana qaybgeli doona shirka arrimaha doorashooyinka ee xayndaabka Xalane.



