Xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Somalia ayaa maanta markale loo qaybin doonaa doodna ka yeelan doona…

Xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Somalia ayaa maanta markale loo qaybin doonaa doodna ka yeelan doona waxka-beddelka iyo ansixinta cutubyo ka mid ah dastuurka, kadib markii shirkii toddobaadkii hore uu ku dhammaaday muran iyo gacan ka hadal dhex maray qaar ka mid ah labada aqal.
Shirka maanta waxaa ka maqan xildhibaano guddoonku ka mamnuucay inay ka qayb galaan fadhiyada Baarlamaanka, kaddib markii lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen rabshadihii ka dhacay gudaha xarunta Baarlamaanka.
Xubno katirsan xildhibaanada labada aqal oo ku shiray Muqdisho ayaa ka horyimid go’aanka guddoomiye Aadan Madoobe iyo ku-xigeenka aqalka sare, iyagoo ku tilmaamay mid sharci-darro ah, iyagoo sheegay inay maanta tagi doonaan xarunta Baarlamaanka.
Dhanka kalena, Warbaahinta Madaxa-banaan ayaa laga mamnuucay inay galaan xarunta Baarlamaanka, taasoo keentay su’aalo la xiriira daahfurnaanta fadhiyada iyo helitaanka xogta saxda ah ee ku saabsan waxa ka socda gudaha Golaha.



