Golaha Wakiillada Dowladda Waqooyi Bari ayaa maanta cod aqlabiyad leh xilalkii uga qaaday shan xildhibaan oo…

Golaha Wakiillada Dowladda Waqooyi Bari ayaa maanta cod aqlabiyad leh xilalkii uga qaaday shan xildhibaan oo ka tirsanaa Golaha, kaddib fadhi ay yeesheen xubnaha Golaha.
Go’aanka xil ka qaadista ayaa waxaa taageeray 57 xildhibaan, taas oo ka dhigtay mid si rasmi ah u meel martay, sida lagu shaaciyey kulanka Golaha.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Waqooyi Bari, Cabdillaahi Xirsi Cilmi, ayaa Golaha ka codsaday in xasaanadda laga qaado shanta xubnood ee kala ah:
- Siciid Maxamed
- Cabdisalaan Cabdillaahi Maxamed
- Sidiiq Jaamac Muuse
- Axmed Cali Maxamed
- Axmed Caabi Shire
Golaha ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey codsigaas, waxaana xubnahaasi laga qaaday xilalkii ay ka hayeen Golaha Wakiillada.




