Golaha Wakiillada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa maanta oo taariikhdu tahay 26-ka July 2026 soo saaray…

Golaha Wakiillada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa maanta oo taariikhdu tahay 26-ka July 2026 soo saaray go’aan rasmi ah oo ku saabsan dacwadaha la xiriira falalka ka dhanka ah amniga iyo jiritaanka deegaamada Maamulkaasi.
Qaraarka Golaha ayaa faraya Xukuumadda Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya inay si degdeg ah maxkamadaha awoodda u leh ugu gudbiso dhammaan dacwadaha la xiriira dembiyada ka dhanka ah barakicinta, khasuusta iyo falal kale oo lagu tilmaamay kuwo wax u dhimaya shacabka iyo dowladda. Ujeeddada ayaa lagu sheegay in eedeysanayaasha lagu horgeeyo caddaaladda si waafaqsan sharciga dalka.
Sidoo kale, Golaha Wakiilladu wuxuu carrabka ku adkeeyay in dacwadahaasi loo maro hannaan sharci oo hufan, caddaalad ku dhisan, isla markaana la dhowro dhammaan xuquuqaha ay sharciyadu siinayaan dadka ay dacwaduhu khuseeyaan. Golaha ayaa sheegay in cadaaladdu tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo nabadda iyo kalsoonida bulshada.
Ugu dambayn, Golaha Wakiillada ayaa xusay in go’aankani yahay mid lagu xoojinayo ku dhaqanka sharciga iyo isla xisaabtanka, isagoo ugu baaqay hay’adaha garsoorka iyo fulinta inay si wadajir ah u dardargeliyaan hirgelinta qaraarkan. Golaha ayaa sidoo kale muujiyay in dhammaan tallaabooyinka la qaadayo ay noqon doonaan kuwo waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka dalka.





