Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu gudbiyay Guddoomiyaha…

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada codsi lagu dalbanayo in xasaanadda iyo xubinnimada Golaha laga qaado shan xildhibaan, si loogu soo oogo dacwado sharci ah loona horkeeno maxkamadda awoodda u leh.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maamulka Waqooyi Bari Cabdillaahi Xirsi Cilmi, ayaa ka codsaday barrlamaanka inay xasaanadda ka qaadaan xubnaha kala ah, Siciid Maxamed, Cabdisalaan Cabdillaahi Maxamed, Sidiiq Jaamac Muuse, Axmed Cali Maxamed, iyo Axmed Caabi Shire.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha ayaa ku dooday in codsigan uu ku saleysan yahay qodobbada 50-aad iyo 51-aad ee Dastuurka Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya, iyo sidoo kale qodobbada 184, 218 iyo 221 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, kuwaas oo sida lagu sheegay warqadda siinaya hay’adaha garsoorka awood sharciyeed oo ay ku dalban karaan qaadista xasaanadda marka ay jiraan eedeymo u baahan baaritaan iyo dacwad.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa isa soo tarayey wararka la xiriira in xildhibaano katirsan barlamaanka maamulka Waqooyi Bari ay ku sugan yihiin Magaalada Jigjiga iyagoo ku sii jeeda Magaalada Hargaysa oo ay horay ugu laabatay xildhibaanada Fahiima Yuusuf Quuje oo xasaanadda laga qaaday.




