Guddiga doorashooyinka qaranka ee lagu muransan yahay ayaa ka bilaabay deegaanada Koonfur Galbeed diiwaan gelinta codbixiyaasha

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka qayb galay Munaasabadda Daah-furka ololaha diiwaan gelinta codbixinta deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed, oo maanta laga bi;aabay Baydhabo xarunta kmeelgaarka ah ee maamulkaas.
Munaasabadda Diiwan-Gelinta ayaa waxaa ka qeybgalay mudanayaal ka tirsan goliyaasha Koonfur Galbeed xubno ka tirsan Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha iyo qeybaha kala duwan Bulshada Magaalada Baydhabo.
Madaxweyne Laftagareen ayaa horey uga mid noqdey Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka ee madaxweyne Xasan Sheekh Asaasey isaga oo noqdey guddoomiye ku xigeenka Xisbigaas.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo khudbad kooban ka jeediyey munaasabadda daahfurka ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin weyn oo dadka taladooda gacanta dib loogu celiyey, sidaas darteed dalku uu ka baxay nidaamkii hore ee doorasho dadban.
“…Waa in aan guryaha ka soo baxnaa oo is diiwaan gelinaa si aan u caddeyno sheegashadeeni ahayd in aan dadka Soomaaliyeed ugu badanahay…..” ayuu yiri Laftagareen
Dowladaha Puntland iyo Jubaland iyo Madasha Samatabixinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Madasha Qaranka Soomaaliya ay jiritaan beeshay kadib markii inta badan ay hal xisbi wada noqdeen.


HORSEED MEDIA