Mid kamid ah beelaha deggan deegaamada Puntland ayaa deegaanka Far-jeerin ee gobolka Karkaar kaga dhawaaqday inay…

Mid kamid ah beelaha deggan deegaamada Puntland ayaa deegaanka Far-jeerin ee gobolka Karkaar kaga dhawaaqday inay soo xushay isinkeeda cusub, kadib markii uu dhawaan Garoowe ku geeriyoodey Beeldaajihii guud.
Beesha Muuse Noolays (Idig-facle) ayaa shir muddo saddex cisho ah uga socdey deegaanka Far-jeerin ku shaacisay inay soo xushay Beeldaaje Maxamad Beladaje Axmed Mataan oo beddeli doona aabihiisa Beeldaaje Axmed Mataan oo Garoowe ku geeriyoodey.

Nabadoonada, cuqaasha iyo qaybaha kala duwan ee beesha Idig-facle ayaa ka codsaday dhammaan isimada dhaqanka, dowladda Puntland iyo cid walba oo macaamil kala dhexeeyey Beedaaljihii hore inay la shaqeeyeen wiilkiisa oo shaacinta kadib la caleema saari doono.




