Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Puntland Faarax Jaamac Boos, oo ay weheliyaan Guddoomiyaha…

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Puntland Faarax Jaamac Boos, oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdillaahi Ismaaciil Cismaan, Ganacsade Jaamac Dhaga-dheere, iyo qaar kamid ah nabadoonnada iyo odayaasha dhaqanka gobolka ayaa ka qaybgalay munaasabad xoolo loogu kala wareejinayey beelo walaala ah oo horay diriri ugu dhexmartay gobolka Karkaar.
Xoolahan la kala wareejiyay ayaa qeyb ka ahaa dhaqanka Soomaaliyeed ee dib-u-heshiisiinta iyo xoojinta nabadda, waxaana lagu muujinayay sida labada dhinac uga go’an tahay inay soo afjaraan colaadihii iyo khilaafaadkii hore u dhex maray, iyadoo dhaqanka labada dhinac tallaabadaan ku tilmaameen mid nabadda u hiilinaysa.

Masuuliyiinta Dowladda oo hadlay ayaa ku bogaadiyay labada beelood sida ay u qaateen nabadda iyo isu tanaasulka, iyagoo xusay in dowladda Puntland ay mar walba taageersan tahay dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo wadajirka bulshada guud ahaan deegaamada Puntland.
Dhankooda, nabadoonnada iyo odayaasha dhaqanka Gobolka Karkaar ayaa ugu baaqay bulshada inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara colaad iyo kala fogaansho, islamarkaana ay xoojiyaan wada hadalka iyo iscafinta, iyagoo bogaadiyey doorka dowladda, ganacsatada iyo waxgaradka gobolka ay ka qaateen hirgelinta heshiiskan nabadeed.




