Beeraleeyda ku nool duleedka magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa qabtay bannaanbax ay kaga soo horjeedaan…

Beeraleeyda ku nool duleedka magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa qabtay bannaanbax ay kaga soo horjeedaan seerayn lagu sameeyay dhul beereed wax-soo-saar oo ay mulkiyaddiisa lee yihiin, kadib markii loo sheegay inuu qayb ka yahay qorshe lagu ballaarinayo Garoonka Diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garoowe.
Beeraleyda ayaa sheegay in tallaabada seeraynta ah ay ku abuurtay walaac ku saabsan mustaqbalka dhulkooda, uuna yahay qorshe ay dabada ka riixayaan shirkadda gacanta ku haysa maamulka garoonka iyo shaqsiyaad oo doonaya inay danohooda gaarka ah uga faa’iidaystaan dhulka lagu qaadanayo magaca garoonka diyaaradaha.
Waxay sidoo kale ku doodeen in Garoonka Gen. Maxamed Abshir uu horey u haystay dhul ballaaran oo ay sheegeen inuu ka badan yahay 30 kiiloomitir oo isku wareeg ah, ayna qayb weyn oo ka mid ah dhulkaas horey ugu wareejiyeen garoonka, iyagoo ka dalbaday Madaxda Puntland inay arrintaasi soo farageliyaan.
Dhinaca kale, beeraleydu waxay dhaliil u jeediyeen maamulka degmada Garoowe iyo Wasaaradda Duulista Hawada, iyagoo ku eedeeyay inaysan si dhexdhexaad ah u qaadin khilaafka u dhexeeya dadka dhulka sheeganaya iyo dhinacyada ku lugta leh qorshaha garoonka. Waxay dalbadeen in labada dhinac si siman loo dhageysto, lana sameeyo guddi ama hannaan cad oo lagu xaqiijinayo lahaanshaha dhulka iyo baahida dhabta ah ee garoonka.




