Beesha caalamka oo kulamo looga hadlayo xaalka Somalia ka bilowday Muqdisho.

7 July, 2026

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulamo hordhac u ah wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Puntland,…

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulamo hordhac u ah wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Puntland, Jubbaland iyo dhinacyada mucaaradka Somalia.

Ilo wareedyo ku sugan xayndaabka Xalane ayaa warbaahinta u sheegay in wakiilada Puntland iyo Jubbaland qaadeceen inay ka qayb galaan kulamada maanta ay qabanayaan dhinacyada Sirdoonka Turkiga, iyagoo ku dooday in Ankara aysan dhexdhexaad ka ahayn arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isla markaana aan lagu aamini karin dhexdhexaadinta qodobbada siyaasadeed ee xasaasiga ah.

Wakiilada Puntland iyo Jubbaland ee ku sugan Muqdisho ayayaa la xaqiijiyey inay ka qayb geli doonaan oo keliya kulanka rasmiga ah ee la qorsheeyay maalinta Khamiista. Kulankaas ayaa la filayaa inuu isugu keeno Dowladda Federaalka, mucaaradka iyo wakiillo ka socda dalal iyo ururro caalami ah oo ay ka mid yihiin Turkiga, Mareykanka, Boqortooyada Midowday (UK), Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

Kulamada Muqdisho ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, arrimaha doorashooyinka, jihada mustaqbal ee Somalia iyo sidii heshiis midaysan looga gaari lahaa nooca doorasho ee ay aadayso Somalia.