Beesha caalamka oo markale kulminaysa hoggaamiyayaasha siyaasadda.

Wakiilada beesha caalamka gaar ahaan dalalka saamaynta xooggan ku leh arrimaha siyaasadda Somalia ee C+6 ayaa…

17 May, 2026

Wakiilada beesha caalamka gaar ahaan dalalka saamaynta xooggan ku leh arrimaha siyaasadda Somalia ee C+6 ayaa doonaya inay markale miiska isugu keenaan hoggaamiyayaasha siyaasadda Somalia.

Diblumaasiyiinta ayaa qorshaynaya inay 17-ka ilaa 20 May dhacaan kulamo kale oo u dhexeeya Madaxda dowladda federalka ah ee Somalia iyo golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ku kala dareeray kulamadii ugu dambeeyey.

Ilo wareedyo ayaa u sheegay HM in Isniinta ay kulmi doonaan dhinacyadu iyadoo beesha caalamku ay siddan farriimo kakan, si loogu sheego inay gaaraan heshiis siyaasadeed inta aan la qaadan go’aamo waxyeelaynaya dowladnimada Soomaaliya.

Gelinkii hore ee shalay ayey kulamo hoosaadyo yeesheen xubnaha golaha Mustaqbalka, waxaana lafilayaa inay maalmaha soo socda u safraan qaybo kamid ah dowlad goboleedyada dalka.