Xayndaabka xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho waxaa maanta kulamo ku yeelanaya Mas’uuliyiin katirsan dowladda federalka ah…

Xayndaabka xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho waxaa maanta kulamo ku yeelanaya Mas’uuliyiin katirsan dowladda federalka ah ee Somalia iyo golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku midaysan yihiin Puntland, Jubbaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah intooda badan.
Kulamadaan oo ay garwadeen ka yihiin wakiilo ka socda beesha caalamka kana qabsoomaya xarunta JOCC ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha doorashooyinka iyo sidii loo jeexi lahaa dhabbe ay ku midaysan yihiin dhinacyadu oo dalka looga gudbiyo marxaladda kala guurka.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed diyaariyey nooc doorasho oo dad badan ka qayb-geleyaan layskuna dhafayo kuraasta gobol kasta, halka Villa Somalia ay weli ku adkaysanayso dameceeda hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah.




