Beesha caalamka ayaa walaac ka muujisay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya…

Beesha caalamka ayaa walaac ka muujisay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaridka inay si degdeg ah u bilaabaan wada-hadallo looga golleeyahay in lagu xalliyo khilaafaadka ka dhashay arrimaha doorashooyinka.
War-murtiyeed wadajir ah oo ay soo saareen Qaramada Midoobey, dalal iyo hay’ado caalami ah ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in dhammaan dhinacyadu gaaraan is-afgarad ku saabsan hannaanka iyo jadwalka doorashooyinka, si loo ilaaliyo xasilloonida iyo danta shacabka Soomaaliyeed.
Saxiixayaasha war-saxaafadeedka ayaa ku boorriyey hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan danaha qaranka, kana fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta kororka xiisadaha siyaasadeed iyo amni.
Dhanka kalena, Beesha caalamka ayaa caddeysay inay diyaar u tahay inay fududeyso ama dhexdhexaadiso wada-hadallada Soomaalida haddii loo baahdo, si loo helo xal siyaasadeed oo loo dhan yahay.
War-murtiyeedkan waxaa saxiixay dalalka iyo hay’adaha kala ah, Austria, Belgium, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Poland, Portugal, Spain, Sweden, Switzerland, Boqortooyada Ingiriiska iyo Qaramada Midoobay (UNTMIS)
Beesha caalamka ayaa ku adkaysatay in dib loogu laabto wadahadal iyo is-afgarad siyaasadeed si looga hortago xaalad kasta oo sii xumayn karta mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.



