Beirut: Israa’iil oo dishey afhayeenkii ururka Xisbullah, Mohammad Afif

17 November, 2024

Weerar ay Israa’iil la beegsatay dhismo ku yaalla bartamaha Beirut ayaa lagu dilay afhayeenkii Xisbullah, Mohammad…

Weerar ay Israa’iil la beegsatay dhismo ku yaalla bartamaha Beirut ayaa lagu dilay afhayeenkii Xisbullah, Mohammad Afif, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan kooxda hubeysan ee Lubnaan.

Afif waxa uu maamulayay telefiishanka Al-Manar ee Xisbullah muddo dhowr sano ah ka hor inta uusan la wareegin mas’uulka sare ee xiriirka warbaahinta ee uruka Xisbullaah.

Waxa uu dhowr jeer shirar jaraa’id ku qabtay burburka ku yaalla duleedka koonfureed ee caasimadda oo ay burburiyeen duqeymaha Israa’iil.

Dilkiisa ayaa ah kii ugu dambeeyay dilal xiriir ah oo loo geystay hogaamiyaasha sare ee Xisbullah, oo uu ku jiro madaxii ururkaasi Xasan Nasrallah, tan iyo markii Israa’iil ay si weyn u xoojisay weerarada ay ka geysaneyso Lubnaan dabayaaqadii bishii Sebtembar kadib hal sano oo rasaas la is weydaarsanayay xadka.

Nasrallah ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday dhisme ay deggan yihiin oo ku yaalla xaafadda Dahiyeh ee koonfurta Beyruut dabayaaqadii bishii Sebtembar.

HORSEED MEDIA