Beledwene: Ciidanka xoogga oo bilaabay furista waddooyinka u xirnaa shaqaaqooyin dhacay

12 January, 2025

Ciidanka xoogga Dalka oo fulinaya balan qaadka madaxda dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa…

Ciidanka xoogga Dalka oo fulinaya balan qaadka madaxda dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa maanta waxa ay bilaabeen in ay furaan waddooyinka dhexmara xaafadaha magaalada oo muddooyinkii dambe u xirnaa shaqaaqooyin ka dhacay magaalada.

Taliyaha Guutada 5-aad qeybta 27-aad ee CXD Col. Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) ayaa hoggaaminayay ciidamada howlgalka waddo furista iyo sugidda amniga ee ka bilowday magaalada Beledweyne.