Benin: Isku-day afgambi oo la fashiliyay

7 December, 2025

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Benin, Alassane Seidou, ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ee Benin ay fashiliyeen isku day afgambi oo ka dhacay dalkaasi ku yaal Galbeedka Afrika.

Ilaa toban askari ayaa la xiray fiidnimadii xalay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa ilo wareedyo militari iyo amni.

“Koox yar oo askar ah ayaa bilaabay kacdoon iyagoo ujeedadoodu tahay inay khalkhal galiyaan dalka iyo hay’adihiisa,” ayuu yiri Seidou aroornimadii Axadda.

Horay, dowladda Benin waxay sheegtay in askarta daacadda u ah iyo ilaalada qaranka ay dib u qabsadeen xukunka ka dib markii koox askar ah ay telefishinka dowladda ka shaaciyeen inay awoodda ku qabsadeen afgambi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Olushegun Adjadi Bakari ayaa Axaddii sheegay in dadkii afgambiga maleegay ay la wareegeen TV-ga dowladda oo keliya.

Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika (ECOWAS) ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inay si xooggan u cambaareynayaan isku dayga afgambiga militariga, ayna taageeri doonaan dadaallada ay dowladdu ku dooneyso inay ku soo celiso kala dambeynta.

Ururka Midowga Afrika (AU) ayaa sidoo kale cambaareeyay isku daygaas, guddoomiyahooda Mahmoud Ali Yousouf ayaa sheegay in ururku uu “si xooggan u cambaareynayo”.