Biden iyo Trump waxay ku tartamayaan inay qaataan guusha heshiiska xabbad joojinta ee Gaza

16 January, 2025

Labada madaxweyne ee Maraykanka ee kan xilka ka sii dagaya Joe Biden iyo madaxweynaha la doortay ee Donald Trump ayaa ku loolamaya inay ammaanta heshiiska xabbad-joojinta ee Marinka Gaza ku tilmaamaan dadaalladii maamulkiisa intii lagu jiray wadahadalladii u dhexeeyay Xamaas iyo Israa’iil.

Ku dhawaaqista heshiiska, Joe Biden wuxuu tilmaamay in gaarista heshiiska ay si weyn uga tarjumayso qaab dhismeedkii uu soo jeediyey bishii May ee la soo dhaafay. Suxufigu mar uu weydiiyey cidda loo qaddariyo ku dhawaaqista heshiiska, waxa uu si jees-jees ah ugu jawaabay: “Tani ma kaftanbaa?”, oo ay ku tusayso in uu isagu yahay kii ammaanta qaatay.

Khudbadiisii ​​sagootinta ahayd ee fiidnimadii Arbacada oo uu ka jeediyay xafiiskiisa Aqalka Cad, Biden waxa uu yidhi, “Kooxdaydu way soo saareen oo ay ka wada xaajoodeen qorshahan, waxaana si weyn u fulin doona maamulka xiga si buuxda loogu wargeliyay.”

Dhinaca kale, Donald Trump, ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshadu ku wada xidhiidho, waxa uu si degdeg ah ugu dhawaaqay inuu yahay hogaamiyaha ka masuulka ah horumarka ka soo baxay wadahadalo socday bilo. Trump ayaa marar badan ka digay “khatarta” haddii aan heshiis la gaarin ka hor caleema saarkiisa oo loo qorsheeyay Isniinta soo socota.

Shir jaraa’id oo uu shalay fiidnimadii Arbacada ku qabtay magaalada Dooxa Ra’iisul Wasaaraha Qatar ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Sheikh Mohammed bin Abdul Rahman Al Thani ayaa shaaca ka qaaday in heshiiska la gaaray, isla markaana uu soo bandhigay qodobadiisa ugu muhiimsan. Wuxuu intaa ku daray in Qatar, Masar iyo Mareykanka ay ka shaqeyn doonaan sidii loo xaqiijin lahaa dhaqan galka heshiiska xabad joojinta Xamaas iyo Israa’iil.

Horseed Media