Biyo la’aan ka taagan deegaamo katirsan gobolka Nugaal.

8 April, 2025

Xaaladda biyo la’aaneed ee kajirta deegaamo katirsan Puntland ayaa sii adkaanaysa kadib markii ay dib dheceen…

Xaaladda biyo la’aaneed ee kajirta deegaamo katirsan Puntland ayaa sii adkaanaysa kadib markii ay dib dheceen biyihii roobka oo ay ku tiirsanaayeen nolosha dadka iyo duunyada goobaha qaar.

Deegaanka Uuskure ee gobolka Nugaal ayaa laga soo werinayaa biyo la’aan sababtay in dadka iyo duunyadu cabbaan biyaha ceel riig ah oo biyihiisu cusbo yihiin ayna ka dhasheen xaalado caafimaad xumo oo aad u daran.

Guddoomiyaha deegaanka Uus-kure ee gobolka Nugaal Abshir Xirsi Cali Bootaan, ayaa waraysi uu bixiyey ku sheegay in deegaanku uusan muddo saddex sano ah helin wax roob ah taasina ay sababtay inay marteen baraagihii biyaha macaan laga cabbijirey.

“Xaaladdu waxay gaadhey markii dadkii deegaanku dhaansan waayeen biyihii macaanaa inay cabbaan biyaha riigga oo ah cusbo aan la cabbijirin, waxaana geeriyoodey ilmo yar oo shuban ku soo boodey markii waalidkiis cabsiiyeen biyahaasi”, Ayuu yiri Guddoomiyaha deegaanka Uus-kure ee gobolka Nugaal Abshir Xirsi Cali Bootaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in biyo la’aanta ay u gudbiyeen hay’adaha dowladda ee ay qusayso aysanna jirin cid usoo gurmatay si biyo dhaamin loogu sameeyo dadka deegaanka oo xaaladdu ku sii adkaanayso sida uu hadalka u dhigay.