Booliiska Jarmalka ayaa toogasho ku dilay qof looga shakiyay inuu geystay weerar mindi

18 March, 2025

Booliska ayaa sheegay in ay toogteen nin toorey kula soo cararay. Waa markii labaad oo booliska Jarmalku ay qof toogasho ku dilaan maalmo gudahood.

Magaalada Herne oo ka tirsan gobolka North Rhine-Westphalia ee dalka Jarmalka, ciidamada booliiska ayaa toogasho ku dilay nin la sheegay in uu mindi ku weeraray.

Wargeyska Bild ee ka soo baxa dalka Jarmalka ayaa qoray in ninkaasi uu da’diisu ahayd 51 sano jir, isla markaana uu subaxdaas mindi ku dhibay deriskiisa. Markii ay booliisku goobta soo gaareen, ayaa la sheegay in uu walxaha kala soo baxay daaqadda baabuurta booliska, isagoo jabiyay muraayadda.

Booliska ayaa sheegay in markii ay guriga u galeen si ay uga hortagaan ninkaasi uu toorey kula soo cararay. Ciidamada ayaa markaas toogtay.