Booliiska UK oo xidhay afar qof kadib mudaaharaad lagu taageerayo Falastiin oo ka dhacay saldhig milatari

27 June, 2025

Xarigga ayaa yimid kadib markii dowladda UK ay sheegtay in ay mamnuuci doonto taageerayaasha Falastiin iyadoo adeegsaneysa sharciga la dagaalanka argagixisada.

Booliiska UK ayaa xiray afar qof oo lala xiriirinayo dibadbax lagu taageerayo Falastiin todobaadkii hore, iyadoo diyaarado militari lagu shubay ranji saldhig ciidamada cirka ee England, falkaas oo ay sheegatay kooxda Falastin Action.

Laba qof oo kamid ah taageerayaasha Falastiini ayaa gudaha u galay saldhigga Ciidanka Cirka ee Royal Air Force ee Brize Norton, Oxfordshire, 20-kii Juun, iyaga oo waxyeello u geystay oo rinjiga cas ku buufiyay laba diyaaradood oo loo isticmaalay shidaal-qaadista iyo gaadiidka.

Haweeney 29 jir ah iyo laba nin oo da’doodu tahay 36 iyo 24, ayaa la xiray Jimcihii iyada oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin guddiga, diyaarinta ama kicinta falalkan, halka haweeney kale oo jir 41 ah, la xiray iyada oo looga shakisan yahay inay caawisay eedeysanayaasha, sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray Booliska La-dagaalanka Argagaxisada ee Koonfur Bari (CTPSE).

Afartan qof ayaa lagu qabtay London iyo Berkshire ee koonfur-bari England, sida ay sheegeen.

Kooxda Falastin Action ayaa cambaareysay xariga, iyadoo ku eedeysay dowladda UK inay “ku jirto jeebka shirkadaha hubka ee hubeeya dembiyada dagaalka ee Israel”.

Waxay ku eedaysay mas’uuliyiinta UK inay hor-istaageen mudaaharaadyo aan rabshado wadan oo looga hortagayey qulqulka hubka loo wado Israa’iil intii lagu jiray xasuuqa Falastiin.

Kooxda ayaa Jimcihii lasoo dhaafay soo galisay muuqaal online ah oo muujinaya dad gudaha saldhiga ku jira, iyadoo hal qof uu u muuqday inuu fuulay diyaarad ah nooca qaada shidaalka, ka hor inta aysan rinjiga ku buufin mishiinka diyaarada.

Ra’iisul wasaaraha Britain Keir Starmer ayaa cambaareeyay falka isagoo ku tilmaamay “wax laga xumaado”.

Kooxda Falastin Action waxay samaysay mudaaharaadyo kale, oo ay ku jiraan ku buufinta xafiisyada London ee Allianz Insurance rinjiga cas iyo burburinta koorsada golf-ka ee Turnberry ee madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee South Ayrshire, koonfurta Scotland.