Booliska Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen rag lagu eedeeyay dil qorsheysan oo…

Booliska Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen rag lagu eedeeyay dil qorsheysan oo ay dhawaan ka fuliyeen deegaanka Guudoole, halkaas oo lagu dilay carruur iyo haweeney.
Taliyaha Qaybta Booliska Galmudug, Gaashaanle Sare Khalif Cabdulle Maalin, ayaa sheegay in eedeysanayaashu ay falka ka dib u baxsadeen magaalada Muqdisho, balse la helay kaddib howlgallo qorshaysan oo Boolisku sameeyeen.
Taliyaha ayaa tilmaamay in raggan ay si gaar ah u beegsadeen qoys rayid ah, falkaasna uu argagax ku reebay bulshada deegaanka Guudoole iyo nawaaxigiisa.
Wuxuu intaas ku daray in eedeysanayaasha la soo celin doono, lana horkeeni doono cadaaladda, si ay ugu wajahaan ciqaabta ku habboon dambigooda.
Dhacdadan ragga loo soo qabtay ayaa daba socota fal mid ah oo horaantii bishii Oktoobar lagu dilay Hooyo iyo Gabdho ay dhashay, Dilalkan ayaa ah ku aano qabiil ah.



