Booliska Garoowe oo bilaabay hawlagalo lagu beegsanayo ajaaniibta sharci la’aanta ah

27 January, 2025

Ciidamada Booliska Puntland ayaa magaalada Garowe ka sameeyay howlgallo ballaaran oo lagu beegsanayo muhaajiriinta sharci darrada ah, gaar ahaan dadka u badan qowmiyadda Itoobiyaanka, kadib markii maamulka Puntland uu soo saaray amar mamnuucaya dadka aan sharciyeysneyn inay joogaan Puntland.

Howlgallada hadda socda ayaa keenay in boqolaal muhaajiriin ah oo u badan Itoobiyaan lagu xiray xarumaha ciidamada ammaanka, iyada oo Puntland ay sii xoojineyso tallaabooyinka xakameynta muhaajiriinta sharci darrada ah ee kusoo qulqulaya Puntland.

Dhinaca kale, dad caraysan oo shacab ah ayaa lagusoo waramayaa inay ku xoomeen goobaha ay degen yihiin dadka Itoobiayanka ah ee Garowe, kuwaas tacaddiyo u geystay tobanaan kamid ah dadkan, inkastoo markii dambe ay ciidamaada ammaanku soo faragaliyeen.

Kaddib markii uu soo baxay amarka lagu mamnuucayo muhaajriinta ku sugan Puntkand, waxaa magaalooyinka ka bilowday raaf ka dhan ah dadkan. Muuqaallo lasoo dhigay baraha internetka ayaa la arkayay ciidamada ammaanka oo waddooyinka ka qabqabanaya dadkan.

Horseed Media