Booliska Gobolka Bari oo qabtay 8 xubnood oo ka tirsan Kooxda argagixisada Daacish

26 January, 2025

Laamaha amaanka ee gobalka Bari ayaa maanta gacanta ku dhigay 8 xubnood oo ka tirsan kooxda argagixisada Daacish, kuwaas oo 6 kamid ah ay yihiin Ajaanib ku dhuumaalaysanayey magaalada Boosaaso.

Xubnaha la qabtay ayaa la shaqeynayay ninkii Ajnebiga ahaa ee ay toogteen ciidamada Amniga Puntland, xilli uu ku aasayay qarax Miino bartamaha magaalada Boosaaso. Taliska Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland ayaa sheegay in sidoo kale ay qabteen ciidamadu ‘dad gaaray 100 qof, kuwaas oo looga shakisan yahay argagixisada, ayna baaris ku socoto.

“8xubnood oo kale oo 6 ka mid ah Ajaanib tahay, ayaa Ciidanku qabteen. waa kooxdii la shaqeynayey Ninkii Ajenebiga ahaa ee la dilay isagoo qarax aasayay sidoo kale 100 dad gaaraya xiran oo baaritaan ku socda, Shacabka aya shaqeyay.” ayaa yiri; Taliska qaybta booliska gobolka Bari.

Horseed Media