Booliska Puntland oo Awaamiir Amniga ah soo saaray.

2 days ago

Ciidanka Booliska Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay bilaabeen howlgallo ballaaran oo lagula dagaalamayo hubka sharci…

Ciidanka Booliska Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay bilaabeen howlgallo ballaaran oo lagula dagaalamayo hubka sharci darrada ah iyo maandooriyaha, kaddib dib u habeyn lagu sameeyay qaybaha amniga ee Puntland. Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha lagu adkeynayo amniga magaalooyinka waaweyn ee maamul goboleedka.

War rasmi ah oo ka soo baxay Taliska Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in la qaaday tallaabooyin degdeg ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka guud, lana bartilmaameedsanayo dadka sida sharci-darrada ah hubka ugu dhex sita magaalooyinka. Ciidanku waxay sheegeen in aan hadda kadib la aqbali doonin in hub aan rukhsad lahayn lagu qaato meelaha dadweynuhu ku badan yihiin.

Sidoo kale, Booliisku waxay digniin adag u direen darawalada wata gaadiidka aan lahayn taariko ama aan diiwaan-gelin rasmi ah heysan. Taliska ayaa sheegay in dhammaan baabuurta noocaas ah la joojin doono, isla markaana milkiilayaasha lagu qaadi doono tallaabo sharci ah.

Howlgallada cusub ayaa sidoo kale diiradda saaraya joojinta isticmaalka, iibinta iyo faafinta maandooriyeyaasha oo si xawli ah ugu soo badanayay deegaannada Puntland. Booliiska ayaa sheegay in cid kasta oo lagu helo ku lug lahaanshaha arrintan la horgeyn doono sharciga.

Booliiska Puntland ayaa uga digay dadka isku ekeysiiya ciidamada ama si sharci-darro ah u isticmaala dharka iyo astaamaha ciidamada amniga. Taliska ayaa xusay in la qaadi doono tallaabo adag oo ka dhan ah cid kasta oo carqalad ku ah hawlgallada amniga ee socda.