Booliska Puntland oo faahfaahin ka bixiyey 18 askari oo Garoowe lagu xiray.

Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa shacabka ka raalli-geliyey falkii qalalaasaha watay ee ka dhacay magaalada Garoowe…

10 June, 2026

Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa shacabka ka raalli-geliyey falkii qalalaasaha watay ee ka dhacay magaalada Garoowe 7-dii Juun 2026, kadib markii koox ka tirsan Ciidanka Birmadka Booliska ay si sharci darro ah u hakiyeen isku socodka gaadiidka isla markaana ay carqaladeeyeen amniga iyo kala dambeynta caasimadda.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska ayaa lagu sheegay in dhacdadaasi aysan matalin nidaamka, anshaxa iyo waajibaadka rasmiga ah ee Ciidanka Booliska Puntland, balse ay ahayd fal qorsheysan oo ay ku lug lahaayeen xubno lagu eedeeyey inay lahaayeen dano gaar ah oo ka hor imanaya maslaxadda guud.

Booliska Puntland ayaa sheegay in ujeeddada falkaasi ay ahayd dhaawaca sumcadda ciidamada ammaanka iyo abuurista sawir xun oo laga bixiyo hay’adaha dowladda, arrintaas oo sida ay sheegeen aan la aqbali doonin.

Taliska ayaa sidoo kale xaqiijiyey in 18 askari oo lagu tuhunsan yahay ku lug lahaanshaha dhacdada la xiray, isla markaana ay socdaan baaritaanno rasmi ah oo lagu ogaanayo heerka mas’uuliyadda ay ku leeyihiin qalalaasaha dhacay.

Mas’uuliyiinta Booliska ayaa sheegay in dhammaan askarta eedeysan marka uu soo dhammaado baaritaanku la horgeyn doono Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, si loo mariyo hannaan sharci oo caddaalad ah.

Dhanka kale, Taliska Booliska Puntland ayaa u rajeeyey Ciidanka Birmadka inay dib u soo ceshadaan kalsoonida iyo sumcadda ay bulshada ku dhex lahaayeen, kaddib dhaawacii ka dhashay dhacdadaasi.

Ugu dambeyn, Booliska Puntland ayaa mar kale adkeeyey in ilaalinta amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta ay yihiin waajibaad dastuuri ah oo saaran ciidamada, isagoo caddeeyey inaan loo dulqaadan doonin fal kasta oo khatar gelinaya nabadda iyo amniga Puntland.