Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qaybta Booliska Gobolka Bari, ayaa magaalada Boosaaso ka fuliyey hawlgal…

Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qaybta Booliska Gobolka Bari, ayaa magaalada Boosaaso ka fuliyey hawlgal qorshaysan oo lagu soo qabtay afar qof oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen ka ganacsiga iyo qaybinta maandooriyaha Khamriga.
Hawlgalka oo ay fuliyeen ciidamada amniga ayaa lagu soo qabtay khamri noocyo kala duwan ah, kaas oo la tuhunsan yahay in loo diyaariyey iib iyo qaybinta, waxaana boolisku sheegay in baaritaanno dheeraad ah lagu hayo waxyaabaha la qabtay, si loo xaqiijiyo halka ay ka yimaadeen iyo cidda ka dambaysa soo gelintooda iyo qaybintooda.
War-saxaafadeed ka soo baxay booliska Puntland ayaa lagu sheegay in la dagaallanka maandooriyaha iyo wax kasta oo khatar ku ah caafimaadka, badqabka iyo amniga bulshada uu yahay mid ka mid ah mudnaanta laamaha amniga.
Taliska Booliska Gobolka Bari ayaa bulshada ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga, ayna soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta goobaha ama dadka looga shakisan yahay ka ganacsiga maandooriyaha iyo khamriga.




