Taliska Booliska Gobolka Mudug ayaa sheegay in la qabtay Sakariye Cabdiqaadir Xirsi, oo loo haysto inuu…

Taliska Booliska Gobolka Mudug ayaa sheegay in la qabtay Sakariye Cabdiqaadir Xirsi, oo loo haysto inuu ku eedeysan yahay dilka marxuum Cabdiraxmaan Xasan Yuusuf, kaas oo habeen hore ka dhacay deegaanka Tuulo-Xabiibo ee Gobolka Mudug.
Booliska ayaa sheegay in eedeysanaha laga soo qabtay deegaanka Dudun, oo ka tirsan Gobolka Doollo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, iyadoo boolisku sheegay in hawlgalkaasi ay ka qayb qaateen ehellada eedeysanaha iyo ciidamada ammaanka Gobolka Doollo.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEED
Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo wuxuu xaqiijinayaa in gacanta lagu dhigay eedeysane Sakariye C/qaadir Xirsi, kaas oo ku eedeysan dilka Marxuum C/raxmaan Xasan Yuusuf, oo xalay ka dhacay degsiimadda Tuulo-Xabiibo ee Gobolka Mudug.
Howl-galka soo qabashada eedeysanaha oo ay qayb ka ahaayeen beesha uu ka dhashay eedeysanuhu, gaar ahaan eheladiisa, iyo wada-shaqaynta Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug G/Sare FardaFuul iyo Commisiner-ka Qaybta Gobolka Doolo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, ugu dambayntii waxaa hirgashay in lagu qabto eedeysanaha degsiimadda Dudun ee Gobolka Doolo.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug G/Sare FardaFuul oo ku hadlaya afka Booliska Gobolka Mudug wuxuu u mahad-celinayaa ehelada eedeysanaha oo qayb lixaad leh ka qaatay soo qabashadiisa, iyo Comisioner-ka Gobolka Doolo G/dhexe Cabdullaahi.




