Booliska Puntland,”Cidkasta oo laga shakiyo waa la qabanayaa”.

29 March, 2025

Ciidanka booliska Puntland ayaa shacabka ugu baaqay inay feejignaan dheeraad ah bixiyaan inta lagu guda jiro…

Ciidanka booliska Puntland ayaa shacabka ugu baaqay inay feejignaan dheeraad ah bixiyaan inta lagu guda jiro dabbaal degga maalmaha Ciidul Fidriga, xilli ay Puntland dagaal kula jirto kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysanaysa buuraleeyda Cal-miskaad.

Afhayeenka Ciidanka Booliska dowladda Puntland, Gaashaanle sare Xasan Cabdullaahi Maxamed, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kooxihii lagu jebiyey Cal-miskaad ay hadda yihiin firxad ku soo dhex dhuumanaya shacabka Puntland.

“Maadaama ay socotey shaqadii buuraha Cal-miskaad, argagixisadiina waa markii 3aad oo ay soo firxanayaan si ay shacabka ugu dhex dhuuntaan, ciidanka waxaa la farayaa inay dhiiranaadaan una dhega nuglaadaan farriimaha ka imaanaya shacabka”, Ayuu yiri G/Sare Xasan Cabdullaahi Maxamed.

“Cidkasta oo laga shakiyo waa la qabanayaa, noocuu doono ha ahaado, derejaduu doono hasito waa la qabanayaa sharcigaa la horgeyn doonaa, waxaana la doonayaa in bulshada ammaankeeda la ilaasho”, Ayuu yiri markale afhayeenka booliska Puntland G/Sare Xasan Cabdullaahi Maxamed.