Booliska Puntland,”Firxadka Daacish wuxuu u cararayaa dalalka deriska iyo Koonfurta dalka”

10 February, 2025

Taliska ciidanka booliska Puntland ayaa sheegay inay hayaan macluumaad la xiriira xubno katirsan kooxda Daacish oo…

Taliska ciidanka booliska Puntland ayaa sheegay inay hayaan macluumaad la xiriira xubno katirsan kooxda Daacish oo firxad ahaan uga cararay buuraleeyda Calmiskaad, iyagoo doonaya inay u gudbaan dalalka Soomaaliya deriska la ah, Maamulka Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya.

“Dagaalkii dhacay waxaa ka soo baxay firxad badan oo sharwadayaasha xaggooda ka imanaya kuna wajahan dowladaha deriska ah, Koonfurta Soomaaliya iyo kuwa jihadu ka lunsan tahay oo iska yaacaya”, Sidaasi waxa yiri Taliye ku-xigeenka 2aad ee Ciidanka Booliska Puntland Gen. Cismaan Cige.

Gen. Cisaan Cige oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “Waxay doonayaan inay ka duseen inta u dhexaysa labada Cal, iyagoo doonaya inay u gudbaan Somaliland, Sool iyo xitaa gobolka Nugaal, sidaas darted Waxaan faraynaa dhammaan shacabka Puntland inay u feejignaadaan firxakadkaas, gurmadka nabaddiidka iyo kuwa doonaya inay bulshada qaybeheeda ku kala dhuuntaan”.

Tan iyo markii Daacish lagu jebiyey dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay buuraleeyda Calmiskaad waxaa soo baxaya xogaha muujinaya inay jiraan shaqsiyaad isugu jira Soomaaliya iyo ajaaniib bilaabay inay ka cararaan goobaha dagaalka maadaama haddii lagu soo gaaro aysan ka baxdan doonin ciidamada kujira hawlgalka Hillaac.