Shacabka Puntland ayaa siweyn ugu dhiiradey inay gacanta ku soo dhigaan laamaha ammaankana gacanta u geliyaan cidkasta oo ay uga shakiyaan falal ammaan xumo.

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa bilaabay hawlgallo qorshaysan oo ay ku baadi goobayaan firxadka iyo shaqsiyaadka gacan saarka laleh kooxda Daacish ee dagaalku kaga socda buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.
Hawlgalladaan oo ka socda inta badan magaalooyinka Puntland ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay lagu qabtay in ka badan 10 ruux oo qaarkood qirteen inay katirsan yihiin Daacish, qaarna lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin sida ay Horseed Media u sheegeen ilo wareedyo dhanka ammaanka ah.
Xubno katirsan Daacish oo horay loo qabtay ayaa bixiyey macluumaad la xiriira dhagaraha ay u maleegayaan shacabka Puntland, waxaana dowladdu sheegtay inay magaalooyinka ka waddo hawlgallo lagu soo qab qabanayo dhammaan dadka la xiriirka la leh, kuwa katirsan ee magaalooyinka u jooga iyo shaqsiyaadka bulshada ku dhexjira ee lacagaha baadda ah ka ururin jirey ganacsatada Boosaaso.
Shalay ayey ahayd markii dad shacab ah ay duleedka magaalada ka soo qabteen nin u dhashay dalka Morocco, kaas oo la sheegay inuu ka yimid dhanka Cal-miskaad si uu u gudaha ugu galo magaalada Boosaaso.