Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa beeniyey eedayn ka soo yeertay taliyihii hore ee saldhigga dekedda Magaalada…

Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa beeniyey eedayn ka soo yeertay taliyihii hore ee saldhigga dekedda Magaalada Muqdisho G/sare Axmedkhadar Maxamed Xassan, oo habeenimadii xalay shaaciyey inuu xilka iska casiley kadib markii lagu amray inuu dalka ku sii daayo maandooriye halis ah, sida uu hadalka u dhigay.
Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha Booliska Soomaaliyeed Janaraal Bariise, oo ka hadlay munaasabad kooban oo ka dhacday dekedda Magaalada Muqdisho ayaa beeniyey jiritaanka kunteedharro Maandooriye ah oo laga fasaxay dekedda.
General Bariise ayaa sheegay in taliyihii hore uu ku maqnaa safar dalka dibaddiisa ah isla markaana uu xilka sii hayey ku-simihiisa oo maanta xilka si rasmi ah ugu wareejiyey taliyaha cusub ee la soo magacaabay,
“Ma jiraan wax maandooriye ah oo Dekedda laga fasaxay, wararkaasi waa been abuur la faafiyay, Waxaan maanta xilka si rasmi ah ugu kala wareejiyay Taliyaha cusub ee Dekedda iyo Taliyihii hore.



