Booliska Somalia oo ka hadlay shaqaaqo ka dhacday Magaalada Muqdisho.

7 January, 2026

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in shalay…

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in shalay xaafad ka tirsan Degmada Dayniile ay ka dhaceen rabshado la xiriira banaanbax ay sameeyeen kooxo dhalinyaro ah oo abaabulan.

Qoraalka ciidanka booliska ayaa lagu sheegay in banaanbaxaasi isu beddelay fowdo, kadib markii la weeraray dukaan uu lahaa muwaadin Soomaaliyeed, isla markaana la boobay hantidiisa, iyadoo ay goobta isugu soo baxeen haween iyo carruur.