Booliska Soomaaliya oo diyaar garaw ugu jira xuska sanad guurada aasaaskooda.

18 December, 2025

Taliyah Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabullaahi ayaa Shir-gudoomiyey Kullanka Todobaadlaha ee Hogaanada ,…

Taliyah Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabullaahi ayaa Shir-gudoomiyey Kullanka Todobaadlaha ee Hogaanada , Qeybaha iyo Fadhiyada madaxa banaan ee ciidanka booliska

Shirka todobaadka ee ciidanka booliska ayaa siweyn loogu gorfeeyey xaaladda ammaan ee dalka, qorshaha sugidda amniga doorashooyinka gobolka Banaadir iyo u diyaar garowgii ugu dambeeyay ee loogu jiro Xuska Sanad guurada 82-aad ee Asaaska Ciidanka.

Magaalada Muqdisho ayaa Sabtida soo aaddan lagu qaban doonaa munaasabad ballaaran oo lagu xusayo sanad guuradii 82aad ee aasaaskii ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku beegan 20-ka December.