Booliska Soomaaliya oo Maxkamad soo taagaya dadka Baraha bulshada Dambiya ka geysta.

15 September, 2025

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta soo saaray digniin adag oo ku saabsan sumcad dil iyo aflagaado…

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta soo saaray digniin adag oo ku saabsan sumcad dil iyo aflagaado loo jeediyo madaxda dalka iyo sidoo kale ku xadgudubka diinta Islaamka, kadib markii gacanta lagu soo dhigay dhallinyaro baraha bulshada ku faafiyay muuqaallo iyo qoraallo aflagaado iyo dhaqan xumo sida ay ku eedeeyeen booliska.

Afhayeenka Booliiska Gaashaanle Cabdi Fitaax Aadan Xasan ayaa shir jaraa’id ku sheegay in sharciga la horgeyn doono cid kasta oo ku kacda falalkan isagoo bulshada uga digay in baraha bulshada aan loogu adeegsan aflagaado iyo xadgudub diineed.

Wuxuu xusay in qof kasta oo maanta kadib lagu arko falal sidan oo kale ah lagu dabaqi doono sharciga isla markaana aan loo dulqaadan doonin waxyaabo dhaawacaya diinta, dhaqanka iyo madaxda qaranka.

Afhayeenku waxa uu mahadcelin u jeediyay Taliska Guud ee Booliiska oo soo qabtay eedeysanayaal ku eedeysan falalkaas kuwaas oo hadda xiran isla markaana la horgeyn doono maxkamad.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa hore uga digay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo baraha bulshada ugu adeegsata aflagaado iyo anshax xumo, arrintaasna ay sii wadi doonaan fulinteeda.