Booliska Soomaaliya oo toogtay rag ka tirsan kooxda Alshabaab

29 January, 2025

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyey iska hor imaad maanta ka dhacay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu dilay labo nin oo hubaysan.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay inay ciidamadu toogteen labo nin oo ka tirsan kooxda argagixisada Alshabaab, kuwaas oo qorshaynayey inay dileen labo askari oo ka tirsan booliska.

Ragga ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa la sheegay inay xabad ku dhufteen mid kamid ah labada askari, balse ciidamada ayaa ku guuleystay inay soo afjaraan dhagartii ay maleegayeen.

” Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Saaka Magaalada Muqdisho toogasho ku dilay laba nin oo Bistoolado ku hubaysan kana tirsan Khawaariijta oo doonayey inay dilaan Ciidamo howlgal ku jiray. Waxaa ku dhaawacmay howlgalkan lagu khaarijiyey labadan nin Askari katirsan Ciidanka Boliiska oo kamid ahaa Ciidamada ku guuleystay soo afjaridda dhagartii ay maleegayeen Khawaariijta ,waxaana gacanta lagu hayaa hubkii ay wateen iyo Maydkooda.” Taliska Booliska Soomaaliyeed.

Horseed Media