Boqolaal katirsan ciidanka ammaanka Puntland oo Garoowe ku wajahan.

2 November, 2025

Boqolaal katirsan ciidanka booliska Puntland oo dhawaan tababar ugu soo dhammaaday kulliyadda Carmo ayaa maanta ku…

Boqolaal katirsan ciidanka booliska Puntland oo dhawaan tababar ugu soo dhammaaday kulliyadda Carmo ayaa maanta ku soo wajahan Magaalada Garoowe, si loogu wareejiyo ammaanka Caasimadda.

Ciidamadaan oo lagu qalabeeyey gaadiid cusub ayaa lafilayaa inay soo dhaweyntooda ka qaybgalaan Mas’uuliyiin dowladda katirsan, maamulka heer gobol iyo qaybaha bulshada.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan balanqaaday in casriyeyn lagu samayn doono ammaanka caasimadda, isagoo arrimahaasi kulamo kala yeeshay saraakiisha ammaanka, guddiga nabad gelyada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.