Boqolaal katirsan ciidanka Puntland oo tababar looga furay Badhan.

Taliska Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland ayaa xerada Gen. Giriin ee degmada Badhan tababar uga furay boqolaal…

9 October, 2025

Taliska Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland ayaa xerada Gen. Giriin ee degmada Badhan tababar uga furay boqolaal katirsan ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Daraawiishta dowladda Cabdiraxmaan Maxamed Ilig. Afhayeenka Howgalka Hilaac Gen. Faadhigo La-taliyaha Madaxweynaha Gen. Jaamac Indhacade , guddoomiyaha gobolka Sanaag iyo saraakiil kale ayaa ka qaybgalay furitaanka tababarkaan.

Ciidankaan ayaa u badan kuwa ka soo qayb qaatay dagaalka buuraleeyda Cal-miskaad oo la siin doono tababar carbin ah, iyadoo loo diyaarinayo hawlgallada sifaynta kooxaha nabaddiidka ee Daacish iyo Alshabaab.